Home News in English Dalka Gariiga oo lagu xiray Somali Farabadan oo si sharci daro ah...

Dalka Gariiga oo lagu xiray Somali Farabadan oo si sharci daro ah ku galayay

0

Howlgal ay dalkaasi ka sameeyeen Ciidamada Booliska dalka Giriiga ayaa waxaa ay qabteen in ka badan 60 ruux oo ay ku jiraan Soomaali muhaajiriin ah, kuwaas oo la sheegay in si sharcidarro ah ku galayeen dalkaas.

Howlgalka ayaa waxaa ay ciidamada ku qabteen gaari ay saarnaayeen dalkaasi iyo darawalkii waday oo u dhashay dalka Bulgaria ,xilli uu marayay Magalada Thessaloniki ee dalka Gariigga,waxana gaariga uu sida la sheegay uu watay ruqsad uu ka helay dowladda Bulgaria.

Muhaajiriinta gaarigaas saarnaay ayaa waxa ay kala ahaayeen 30 Soomaali ah iyo 30 kale oo u kala dhashay dalalka Bangladesh, Afghanistan, Sudan, Iraq, Falastiin, Egypt iyo Eritrea.

Tahriibayaasha ayaa qaarkood waxa ay  booliskia u sheegeen in Turkiga doon uga soo gudbeen dhinaca Giriiga, isla markaana kooxaha wax tahriibiya uu midkiiba ka qaaday lacag dhan $1,690 doollar.

Dalal badan oo ka tirsan Qaarada Yurub ayaa xilligaan aad ula dagaalamaya dadka tahriibayaasha ah ee dalalkooda tegaya,kuwaas oo mararka qaar Xabsiga la dhigo halka kuwa kale lagu soo celiyo dadlkii ay ka tageen.

Somaliska Athens

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here