Home News in English Mareykanka Maxkamad siideysay nin Dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhaan Omar iyo Masuuliyiin...

Mareykanka Maxkamad siideysay nin Dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhaan Omar iyo Masuuliyiin kale

0

Booliiska Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska dalkaas ugu hanjabay inay dili doonaan, kaasoo ah Cunsuri ay ku weyn tahay naceybka dadka soo galootiga ah.

John Kless oo 49 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu cod farriin hanjabaad ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo xubno kae tirsan xisbigga Dimoqraadiga.

Ninkan ayaa lagu helay Eedeymo kala duwan oo ah inuu maleegayay wareeraro lagu qaado dadka Islaamka ah ee ku nool Maraykanka.

Booliska waxay sheegeen in la qabtay ninkan ka dib markii uu  cod farriin ah u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga, isla markaana uu ku sheegayay in uu dili doono Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo xildhibaano kale.

Maxkamada Florida oo ninkan la soo taagay ayaa damiin ku sii deysay, waxaa lagu xiray qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa qofka ee GPS-ka, iyadoo amar lagu siiyey inuusan tegi kerin meelaha ay joogaan dadka uu u hanjabay.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here