Home News in English Sweden oo joojisay dib u celinta Qaxootiga ka yimid mid kamid ah...

Sweden oo joojisay dib u celinta Qaxootiga ka yimid mid kamid ah Wadamada Africa

0

Hay’ada laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay joojisay dib u celinta Qaxootiga ka yimid Dalka Suudaan ee u diyaar sanaa in dalkooda loo celiyo.

Laanta Socdaalka ayaa sababta loo celin karin dadkaasi ku sheegtay Xaalada Dalka Sudan oo aan leesku haleen karin madama ay dhibaato iyo rabashado ka bilowdeen.

go’anka laanta socdaalka waxaa fursad ku heli kara Qaxooti badan oo kasoo jeeda Sudan kuwaasi oo dowlada u diyaarisay in dib loogu celiyo dalkooda.

Xaalada Dalka Sudan ayaanan amaan aheen tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynaha Dalkaasi waxana hada dhici karta in rabshada sii socdaan madama Shacabka ay dalbanayaan in Milatariga uu awooda baneeyo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here