Home News in English Laanta Socdaalka Norway ee UDI oo lagu eedeeyay Dacwad la xiriirta Jabinta...

Laanta Socdaalka Norway ee UDI oo lagu eedeeyay Dacwad la xiriirta Jabinta Codsiga deganaanshaha

0

Waaxda ka socodka ee EFTA ayaa rumaysan in Norway waqti dheer ku qaadato ka shaqaynta kiisaska degannaanshaha.

Sida uu tebiyey NRK hay’adda EFTA ayaa Norway ka sugaysa jawaab muddo 9 maalmood gudahood ah, taasoo warcelin u ah eedayn loosoo jeediyey oo ku aadan in Norway ay jabisay xeerarka kiis maamulidda ee ku aadan codsiyada degannaansho.

Dalalka laysku yiraahdo EØS ayaa xeerarka uga yaal kiisaska waxay yihiin in waxkasta oo soo baxaba kiisaska go’aan looga gaaro muddo lix bilood ah.

Sida laga soo xigtay NRK kiisaska intooda badan sannadkii hore kuma dhammaan waqtigii loogu talo galay, waxaana jira weli kiisaska aan ku dhammaan sannad gudahiis.

UDI oo wax laga waydiiyey arrintan ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho ka hor inta aysan warqad jawaab ah diyaarin todobaad kadib fasaxa haatan lagu jiro.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here