Home News in English Dad gaaraya 29 Ruux oo Germalka u dhashay oo ku dhintay Shil...

Dad gaaraya 29 Ruux oo Germalka u dhashay oo ku dhintay Shil ka dhacay Dalka Purtuqiiska

0

Wararka laga helayo Dalka Purtugal ayaan sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay Shil Bus kaasi oo sababay dhimashada dad badan oo saarnaa buska.

Ku dhawaad 29 Ruux ayaa ku dhimatay Shilkaasi Bus kadib markii Darawalka Buska uu lumiyay Koontaroolka dadka dhintay ayaana guud ahaantooda kasoo jeeda Germalka sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Dalkaasi.

Dadka ku dhintay Shilka ayaa ahaa Dalxiisayaal kasoo jeeda Dalka Germalka oo dhamaantood dalxiis ahaan ugu sugnaa Dalkaasi 17 kamid ah ayaa haween ah halka 11 kale ay yihiin rag dadkaasi dhintay.

Xiliga uu shilka dhacayay waxaa Baska gadaal socday Bas kale oo saarnaayeen Qaraabada dadka dhibaatada kasoo gaartay baska rogmaday kuwaasi oo ku argagaxay dhibka dhacay.

Warbaahinta gudaha Dalkaasi ayaa ku waramaya in dhicitaanka baska ay keentay wadada oo ciriiri ah iyo darawalka oo lumiyay koontaroolka baska.

Somaliska Germalka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here