Home News in English Ulf Kristersson ” Sweden Masuuliyad ayaa ka saaran Caruurta Swedhishka ee Suuriya...

Ulf Kristersson ” Sweden Masuuliyad ayaa ka saaran Caruurta Swedhishka ee Suuriya ku sugan ”

0

iyadoo Caruur kasoo jeeda Dalka Sweden ay ku sugan yihiin Dalka Suuriya ayaa arinkooda waxaa ka hadlay Xisbiyada ka jira Dalka kuwaasi oo qaarkood taageersan in Dalka la keeno halka kuwa kale ay kasoo horjeedaan.

Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa ka hadlay caruurtaasi waxana uu sheegay in fakar ahaantiisa Dadka waa weyn aan loo soo qaadin Dalka lakin Dowlada Sweden ay Masuuliyad ka saarantahay caruurta ku sugan Halkaasi.

isagoo la hadlayay Joornaalka Dagens Nyheter ayuu sheegay in waqti dheer qaadaneyso mudada halkan lagu keeni karo caruurta isagoo kaga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray wasiirka arimaha Dibada Margot Wallström oo sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qabanayo hooshaasi.

Wadamada Badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa isku qilaafsan keenista dadka ku sugan Suuriya ee ka soo barbar dagaalamay kooxda Daacish oo hada looga guuleestay dagaalka ka socda suuriya iyo Ciraaq

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here