Home Wararka Maanta Gabar la dhalatay Xaaskiisa ayuu ku keenay Xaas Ahaan lakin Xabsi ayaa...

Gabar la dhalatay Xaaskiisa ayuu ku keenay Xaas Ahaan lakin Xabsi ayaa lagu Xukumay dhamantood

0

Bilowgii bishan ayey maxkamadda Fredrikstad gashay kiis adag oo la xiriiray arrimo faracyo leh. Kiiskaan oo ku saabsanaa nin iyo haweenay isqabay oo haysta dhalashada Norway ayaa ninku guur been ah la samaystay haweenay halka xaaskiina ay guursatay nin si been abuur ah.

Haweenayda ayaa guur la samaysay walaalka ka yar ninkeeda sidaasna Norway ku keentay halka ninkuna uu guur been abuur ah la sameeyey si uu u soo geliyo dumaashidiis la dhalatay xaaskiisa, waxayna arrimahani dhaceen 2013.

Qoyskani waxay ku guulaysteen inay degannaansho u helaan labada qofood oo ay sidaas ku keenaan Norway.

Maxkamaddu waxay hadda ku xukuntay ninkii, haweenaydii iyo walaasheed min 90 maalmood oo xarig ah, halka walaalkii yaraa uusan ku sugnayn Norway oo uu dalkiisii dib ugu noqday.

Gabadha la dhalatay haweenayda ayaa la sheegay inay isku gayn Nav siisay hal milyan oo krone intii ay dalkaan joogtay. waxaa la sheegay dhanka kale inay haweenaydani gabar dhashay intii ay dalka joogtay.

Ninkan iyo haweenayda isqabay oo dhalay cunug guurkaas beenta kadib ayaa cunugii waxaa lagu qoray inuu dhalay walaalkii ninka ee sida beenta ah loo guursaday.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here