Home News in English Götenborg Xabsi da’in lagu xukumay Nin Somali ah oo dilay Gabar Saaxiibtiis...

Götenborg Xabsi da’in lagu xukumay Nin Somali ah oo dilay Gabar Saaxiibtiis ah

0

Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo dilay gabar uu Saaxib la ahaa sanadkii hore 2018.

Yuusuf Shiiraar Xuseen oo 35 jir ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay gabadhaas, kaddib markii ay isku dayday inay xiriirka u jartay.

Waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay gabadha, una adeegsaday dilkeeda bir uu kala dhacay madaxa iyo feeraha.

Meydka gabadha ayaa laga helay gurigii ay deganeyd, waxaana Booliska ay sheegeen inuu ka muuqday jirdil xooggan.

Ninkan ayaa la sheegay in markii uu dilay kaddib uu la xiriiray Booliska, kadibna ku wargeliyay dhacdada dilka ah.

Dhacdooyinka dilalka ah ee Ragga Soomaalida u geystaan Haweenka ayaa ku soo kordhaya dalalka reer Galbeedka, waxaana dhowaan ay aheyd markii Mareykanka ay ka dhacday labo dhacdo oo naxdin ah oo labo nin Soomaali ku dileen xaasaskooda.

Somaliska Götenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here