Home Wararka Maanta Faafaahin Dhalinyaro lagu toogtay Xaafada Sätra ee Caasimada Stockholm

Faafaahin Dhalinyaro lagu toogtay Xaafada Sätra ee Caasimada Stockholm

0

iyadoo la galayo xiliga kuleelaha Dalka Sweden ayaa waxaa bilawday toogashada ka dhacday xaafada qaar ee Caasimada Stockholm waxana Xaafada Sätra lagu toogtay 3 wiil oo dhalinyaro ah.

Dhamaadka isbuucii hore waxaa meydkooda laga helay labo wiil goob geerash ah halkaasi oo lagu toogtay iyadoo aan la ogeen sababta keentay toogashada.

isla subixii Sabtida Qof kale ayaa lagu toogtay Xaafada Sätra gaar ahaan halka laga helay meydka labada wiil ee horay iyadoo qofka sadaxaad uu goobta ku dhintay.

Booliska Sweden ayaa labo qof u xiray shaki la xiriira in ay ka danbeeyaan dilkii u danbeeyay ee dhacay sabtidii.

Manne Jönsson. oo ka tirsan Booliska ayaa sheegtay in boolis badan ka shaqeenayaan in goobta noqoto amaan iyo in laga sugo dadka wata hubka kuna iibiya goobtaasi daroogada.

Caadiyan Xiliga Xagaaga waxaa Sweden ka dhaca dilal ay isku geestaan kooxaha gangiska.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here