Home News in English Cabista Shiishada oo laga Mamnuucay Sweden Sharcigan Cusub oo bilaabanaya

Cabista Shiishada oo laga Mamnuucay Sweden Sharcigan Cusub oo bilaabanaya

0

Dalka Sweden ayaa hada laga cabaa shiishada ama Badeecada taasi oo loo furtay Xaruumo loogu tala galay in lagu cabo iyadoo dadka ugu badan ee caba ay yihiin Dadka Ajaanibta hase yeeshee dowlada ayaa kasoo saartay sharci cusub.

Dowlada Sweden oo sharciyo Cusub soo saartay dhawaan ayaa sharcigeeda ku dartay in Sweden laga mamnuuco goobaha lagu cabo shiishada iyo ka ganacsiga keenista wadanka.

Sharciga Cusub ee Mamnuucida Shiishada ayaa bilaabanaya bishada 7 aad ee July iyadoo xiligaasi wixii ka danbeeyo ay dambi noqoneyso cabista shiishada si lamid ah Qaadka ama Jaadka oo laga mamnuucday Sweden.

Saameynta ugu badan ee mamnuucida Shiishada waxay wajaheysaa dadka ajaanibta oo ugu horeyaan Carabta iyo Somalida kuwaasi oo xaruumo waaweyn u furtay in lagu cabo shiishada.

Sweden ayaa dhoor sano kahor sidaani oo kale u mamnuucday Cunista qaadka iyo ka ganacsiga qaadka la keeno dalka sweden taasi oo dad badan ay saameyn ku yeelatay markii uu soo baxay sharcigaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here