Home News in English Norway oo soo saartay Dalalka ugu badan Dadka daganaanshaha ka helay dalkooda

Norway oo soo saartay Dalalka ugu badan Dadka daganaanshaha ka helay dalkooda

0

Arbacadii waxay soo saartay UDI tiro cusub oo muujinaysa dadka loogu ogolaaday degannaanshaha dalkan markii dacwo ay u fidiyeen xubno qoysaskooda ka tirsan. Tirada dadka ogolaanshaha helay bilihii ka tagay sannadkan ayaa gaaraya 2890 qofood, kuwaasoo yimid ama imaanaya dalkan.

Tiradan waxaa la sheegay inay sannadkan korotay 15 boqolkiiba marka loo eego sannadkii hore.

Wadanka kaalinta sare uga jira liiska dadka loo ogaaday deganaanshaha Norway ayaa ah Hindiya oo codsigoodii la aqbalay 365 qof, waana tiro 50 boqolkiiba ka badan dalka ku jira kaalinta labaad oo ah Filibiin.

Suuriya ayaa la sheegay inay ka yimaadeen 188 qof marka laysku wada geeyo.

Tiyo sannadkii 2016 waxaa Norway yimid 3251 qof oo Hindi ah oo deganaansho lagu siiyey inay la midoobaan qoysaskooda, waana tiro wax badan ka badan dadka ka imaada wadanka Filipiin oo ay noorweeji badan ka helaan xubno ay jeclaadaan kadibna uga dacwoodaan Norway.

Dadka Soomaalida ah ee dacwada ku yimaada dalkan ayaa aad u yaraaday, waxaana sannadkan la ogolaaday 26 qofood halka sannadkii 2016 ay ogolaansho deganaansho ka heleen dalkan 956 xubnood.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here