Home News in English Wiil Somali ah oo lagu dilay Caasimada London Weerar Mindi loo adeegsaday

Wiil Somali ah oo lagu dilay Caasimada London Weerar Mindi loo adeegsaday

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  wiil oo Soomaali ah oo dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, islamarkaana dilkiisa loo adeegsaday Toorey.

Ciidanka Booliska London ayaa xaqiijiyay dilka Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah,oo loo adeegsaday Mindi xilli uu ku sugnaa bartamaha Magaalada London.

Nuur Bashiir Salaad oo 22 sano jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac loo geystay, Ciidanka Booliska London waxa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano la xariira Kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

Ma jirto Cid loo soo qabtay dilka Nuur, laakiin Ciidanka Booliska ayaa codsaday in laga garab siiyo soo qabashadda kuwa dilalka u geysta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada London.

Dilalka dhalinayaradda Soomaaliyeed loogu geysanaayo dalka Ingariiska ayaa kordhay bilihii ugu dambeeyay, waxaana taasi ay cabsi badan ku abuurtay waalidiinta kunool Magaalada London.

Somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here