Home Wararka Maanta Yaasmiin oo ku guuleysatay Maxkamadeda loona ogolaaday Afarteeda Caruur ee loo diiday.

Yaasmiin oo ku guuleysatay Maxkamadeda loona ogolaaday Afarteeda Caruur ee loo diiday.

0

Waxay aheyd Dacwad aad u adag oo soo socotay mudo Shan sano ah taasi oo qabsatay hooyo Yaasmiin oo ku nool Dalka Norway kuna sugan Dalka mudo dhoor sano ah.

Hooyada oo heysata Afar Caruur ah ayaa laga ceshtay sharciga Dalka iyadoo lagu amray in dalka iskaga baxdo kana tagto caruurteeda kadib markii Dowlada norway gaar ahaan Laanta socdaalka ay Yaasmiin ku tilmaamtay qof kasoo jeeda Dalka Jabuuti.

Hay’ada UDI oo yaasmiin ku edeysay in aysan run ka sheegin halka ay kasoo jeedo ayaa ugu danbeyn ka ceshatay dhalashada Dalkaasi kuna amartay in dalka ka baxdo sida ugu dhaqsiyaha badan lakin kiiska yaasmiin ayaa dheeraaday kadib markii Qareenada Yaasmiin ku doodeen in aysan ka tagi karin caruurteeda marka loo  eego dhanka bini’aadantinimada iyo Xaquuqda Caruurta ay leeyihiin.

Maxkamada Degmada Lyngdal oo ah halka falkaasi ka dhacay ayaa ugu danbeyn go’aamisay in Yaasmiin aan laga wadi karin Caruurteeda Maxkamada Degmada ayaa sidoo kale Dowlada ku amartay bixinta lacagta ku baxday mudada uu kiiskaan socday.

Hooyo Yaasmiin oo warbaahinta la hadashey ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay dhamaadka kiiskan oo soo socday mudo shan sano ah waxay kaloo sheegtay in ay ku faraxsantahay in caruurteeda aan laga wadin.

Somaliska Oslo

Xigasho/Lister24

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here