Home Wararka Maanta Sweden oo bilaabeysa Caawinta Caruurta Swedhishka ee ku Sugan Kaamamka Suuriya

Sweden oo bilaabeysa Caawinta Caruurta Swedhishka ee ku Sugan Kaamamka Suuriya

0

mudo laga joogo dhoor bilood waxaa dagaal looga adkaada kooxda IS oo ka dagaalanta gudaha Dalka Suuriya iyo Ciraaq taasi oo keentay in Xubnaha ururkaasi gacanta lagu dhigo iyadoo Haweynka iyo Caruurta la geeyay kaamam ku yaalla Xuduuda labada Dal.

Caruurta halkaasi ku sugan waxaa ku jira 80 Caruur ah kasoo jeeda Dalka Sweden dhalasho ahaan madama Hooyooyinkooda ay u dhasheen Sweden taasi ayaana keentay in ay bilowdo caawinta.

Dowlada Sweden uma dirin Halkaasi Hay’ado caawiya Caruurta si loo keeno halkan lakin waxay bilowday dirista lacagto lagu caawinayo caruurta si loogu gado Cunooyin iyo Dawooyin sida ay sheegtay wasiirka arimaha dibada sweden Patric Nilsson.

Dowlada ayaa go’aamisay in 2 miljoner u isticmaasho caawinta Caruurtaasi ku sugan Kaamamka oo badankooda waalidkooda ku dhinteen dagaalada socda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here