Home Wararka Maanta Magdalena Andersson ” Haweeynka aan ku dhalan Sweden waa in ay Shaqeeyaan...

Magdalena Andersson ” Haweeynka aan ku dhalan Sweden waa in ay Shaqeeyaan oo aysan ceyrta qaadan ”

0

Haweynka ku nool Dalka Sweden gaar ahaan kuwa ka yimid dalalka kale ayaana shaqeenin marka loo eego kuwa ku dhashay Dalka sida ay sheegtay Magdalena Andersson oo intaasi ku dartay in ay dooneyso in qorshahaasi la badalo.

Wasiirka dhaqaalaha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay hadii Haweynkaasi shaqeen lahaayeen aysan qaadan laheen lacagta caawinta ee ( bidrag) taasina ay keeni laheyd in Sweden dhaqaalaheeda uu feecnaado.

Dowlada oo dooneysa in qorshahaasi badasho ayaa wada in shirkadaha ay bixiyaan mushaar yar labada sano ee ugu horeysa ee qofka ugu horeeya shaqada bilaabayo dowlada ayaana qorsheeneysa in lacagteeda ay u isticmaasho hindisaha sharcigaasi cusub.

Sharaxaad Miisaaniyada Haweynka Ajaanibta

Miisaaniyada Haweynka ee maanta lasoo bandhigay ayaa ah sidii haweynta Sweden ku nool gaar ahaan kuwa ajaanibta ula qabsan karaan suuqa shaqada iyadoo loo abuurayo shaqooyin caadi ah iyo shaqooyinka tabarka ah ee Baraatiiga loo diro.

Dhanka kale Dowlada ayaa qorsheneysa in ay maalgaliso dhismaha  guryo badan si dadka caadiga ee guryaha kireesto u dagaan . sida ay sheegtay Magdalena Andersson.

Dowlada ayaa qorshaani u isticmaaleysa lacag dhan 4.5 billion iyadoo meelo kale kasoo xareysay lacago.

qorshaha socda maanta lasoo bandhigay waxaa kamid ah caawinta macalimiinta iskuulka oo caawiyaal helaya iyo qodobo kale oo muhiim ah waxana loogu magacaabaa Miisaaniyada Guga (vårbudgeten)

Somaliska Stockhom

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here