Home News in English Dowlada oo baareysa Qiimeynta lagu Sameeyo Da’da ay isku dhiiban dhalinyarada oo...

Dowlada oo baareysa Qiimeynta lagu Sameeyo Da’da ay isku dhiiban dhalinyarada oo la dhaleeceeyay

0

Sanadkii 2015 wixii ka danbeeyay waxaa dhaqan galay sharciyo badan waxana sharciyada kamid ahaa baaritaan lagu sameenayo qofka isku dhiibay da’da yar kadib markii ay soo rugtay dowalada waxana arinkaasi loo saaray hay’ad gooni ah.

Hanaanka qofka loogu sameenayo baaritaanka ayaa dhaleeceen xoogan loo jeediyay kadib markii dadka qaar ay ku qaadatay mudo dheer jawaab sugista halka dadka kale jawaabo qalad ah oo aan leesku haleen karin ay heleen.

labada xisbi ee Dowlada Miljöpartiet iyo Socialdemokraterna ayaa hada isku raacay in baaritaan lagu sameeyo dhaleeceenta loo jeediyay qiimeynta lagu sameeyo da’da qofka magangalyo doonka ee dhalinyarada isku dhiibay.

mudo 3 sano ah ayuu sharcigan socday waxana mudadaasi loo jeediyay dhaleeceen xoogan taasi oo si dhab ah loo qaatay sida uu sheegay Rasmus Ling oo ah afayeenka siyaasada socdaalka ee xisbiga Miljöpart iyadoo dowlada ay hada baritaanka ku soo dhameneyso muda 1 sano ah.

Tijaabada Qofka ee da’da ayaa ah mid loo baaro sidan 1 Raajada 2 Jilibka Qofka oo dhacaan laga qaado 3 iyo Goos danbeedka ama gooska caqliga waxana mudada uu socday lagu baaray 11,000 kun oo qof.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige qeybta swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here