Home Wararka Maanta Norway Tareenada dhulka mara ee Caasimada Oslo oo qaarkood shaqada hakinaya

Norway Tareenada dhulka mara ee Caasimada Oslo oo qaarkood shaqada hakinaya

0

Gaadiidka dadweynaha ee T-bane-ha ayaa ka joogsan doona safaradii uu ku tagi jiray qaybo ka mid ah magaalada Oslo qaasatan, inta u dhaxaysa Majorstuen iyo Grønland iyo inta u dhaxaysa Carl Berners plass iyo Sinsen marka laga bilaabo 13-ka abriil illaa isniinta isla bishaas 20 keeda. Sida ay sheegtay hay’adda Ruter AS oo maamusha nidaamkaan gaadiid sababta ka dambaysa joojintaan ayaa ah dayactir lagu samaynayo dhibaha gaadiidkaan.

– Dadka raba inay T-bane qaataan xilliga fasaxa pÃ¥skaha waxaan ugu baaqaynaa inay qiimaayaan hababka safar ee suurta galka ah ayna qiimeynta sameeyaan waqti ku habboon ayuu yiri Øystein Dahl Johansen oo ka tirsan Ruter una qaabilsan qaybta xiriirka warbaahinta saxaafadda.

Sidan soo socota ayuu T-banuhu u shaqayn doonaa waqtiga fasaa booskaha:

·Linje 1 wuxuu ka shaqayn doonaa inta u dhaxaysa Majorstuen iyo Frognerseteren

· Linje 2 wuxuu ka shaqayn doonaa khadka Østerås – Majorstuen iyo Grønland – Ellingsrudåsen

· Linje 3 wuxuu haysan doonaa Kolsås – Majorstuen, iyo Grønland – Mortensrud

· Linje 4 wuxuu ku socon doonaa Vestli – Majorstuen iyo Helsfyr– Bergkrystallen

· Linje 5 wuxuu ku socon doonaa Sognsvann – Majorstuen, iyo Grønland – Vestli.

Dhammaan khadadka waxaa laga bedelay waqtiyadii ay bixi jireen, waxaadna isbedeladaas kala socon kartaa bogga ruter.no ama app-ka RuterReise oo isbedelkan cusub lagu soo kordhiyey.

Boosteejooyinka Jernbanetorget, Stortinget iyo Nationaltheatret ma shaqayn doonaan waqti hawshu socoto.

Gaadiidka kale ee Trikk-ka numbar 19: ee ka shaqaynaya Majorstuen – Briskeby – Nationaltheatret – Jernbanetorget. Ogow trikk-gan ma marayo Bogstadveien inta u dhaxaysa Kirkeveien iyo Sorgenfrigata.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here