Home Wararka Maanta Ilhaan Omar oo markale u jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald...

Ilhaan Omar oo markale u jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

0

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa xalay saqdii dhexe boggiisa Tweetarka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar oo iyana markii dambe jawaab ka bixisay hadalkiisa.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Madaxweyne Donald Trump oo Sabtidii ka hadlay kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u mahadceliyey isagoo ku jees jeesaya.

“Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa” ayuu yiri madaxweynaha inta uusan khudbaddiisa billaabin ka hor.

Wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu oggolaaday in Yuhuud Neceybka uu xisbigooda ku xidideysato.

Ilhaan Cumar oo farriinta uu Trump boggiisa Twettarka ku qoray ka jawaabeysa ayaa qortay hal jumlad, iyadoo weliba carabi ku sii micneysay taasoo aheyd “Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la’aantooda”

Ilhaan Cumar, oo ah gabadh muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto ayaa waxaa lagu eedeeyey Bishii Fabraayo in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday iyadoo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddan Taageeridda Yuhuuda.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here