Home Wararka Maanta Göteborg Macalimad Xariir Galmo la sameesay Ardaygeda oo laga ceshtay ID-ga Macalinimo

Göteborg Macalimad Xariir Galmo la sameesay Ardaygeda oo laga ceshtay ID-ga Macalinimo

0

Mid kamid ah Macalimiinta wax ka dhiga iskuulada Waxbarsho ee Gotenborg ayaa laga ceshtay ID-geeda Macalinimo kadib markii ay xiriir galmo la sameesay mid kamid ah ardayda iskuulka.

Falka oo dhacay sanadkii 2018 bishii may ayaa ahaa xiriir dhexmaray Macalimada oo 40 sano jir ah iyo ardayga oo 16 sano jir ahaa xiriirkooda ayaana lagu ogaaday kadib markii ay kasoo baxeen dhismaha iskuulka xiligaasi oo soo sameeyeen galmo sida uu qoray GB.

Sida laga soo xigtay ardayda iskuulka xiliga la ogaanayay ayaa aheyd markii sadaxaad oo ay sameeyeen xiriirkaasi galmo oo ahaa fal fool xun.

dhacdadaasi ayaa lagu wargaliyay booliska waxana xiligaasi laga joojiyay shaqada iskuulka lakin hada ayaa si toos ah looga ceshtay shahaadada macalinimo.

Sweden ayaa marar badan waxaa ka dhacay falal la xiriira dhanka galmada kuwaasi oo lagu eedeeyay macalimiin iyo dad kale oo bulshada ku leh sharaf.

Somaliska Gotenborg

Xigasho/Radiosverige Qeybta Swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here