Home Wararka Maanta Norway oo soo bandhigtay Tirada guud dadka sanadkan loo soo raacday Canshuurta

Norway oo soo bandhigtay Tirada guud dadka sanadkan loo soo raacday Canshuurta

0

2,9 milyan canshuur bixiye oo canshuur loo soo celinayo, halka 800.000 qofna laga rabo inay celcelis ahaan 25.900 krone bixiyaan.

Iyadoo dowladdu soo dirtay fariinta canshuur celinta ama canshuur u raacasho ayaa waxaa jiray dad badan oo dhib kala kulmay inay booqdaan bogga Altinn oo ah halka laga ogaado waxa ay xambaarsan tahay fariinta canshuurtu.

Fariinta ka timid Skatteetaten waxay daalac u raacatay 800.000 qof oo laga rabo inay lacag ku baaqatay oo canshuur ah iska bixiyaan, waxaana isku gayn laga rabaa 20,6 bilyan oo krone oo marka laysku celceliyo noqonaysa 25.900 krone qofkii.

Waaxda canshuurtu waxay siisay waqti ku eg 30 abriil inay ku soo gudbiyaan ciddii dacwo ka qabta fariinta soo gaartay.

– Skatteetaten ma oga wax kastoo adiga kugu saabsan, waa adiga oo qofka xaaladiisa dhaqaale dhab u og. Waxaan xogta ka helnaa adiga laakiin waa mas’uuliyadaada inaad xog dhab ah ka dhiibto waxa aad gunta uga dhigtay canshuurtaada ayuu yiri madaxa canshuuraha Hans Christian Holte.

Dadka lacagaha loo soo celinayo iyagu waxay heli doonaan canshuur celinta ugu horeyn 20 ka juun, haddiise ay noqoto in qofku soo celiyo canshuur baaqatay wuxuu heli doonaa qaansheegato uu lacagta ku bixinayo ugu dambayn 20 ka agoosto.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here