Home Wararka Maanta Sweden Macalimiinta oo helaya Caawin dheeraad ah

Sweden Macalimiinta oo helaya Caawin dheeraad ah

0

Macalimiin badan oo wax ka dhiga dalka Sweden ayaana heysan caawin dheeraad ah marka ay ku suganyihiin iskuulka isla markana ay wax barayaan ardayda fasalka lakin waxay hada helayaan caawiyayaal.

Dowlada ayaa deyrtan waxay qorsheeneysaa in macalimiinta ay helaan caawiyayaal fasalka kula sugan kuwaasi oo macalinka ka caawinaya shaqada fasalka iyadoo la shaqaaleysiinayo macalimiin badan.

Kamuunada ayaa helaya lacago dheeraad ah oo lagu shaqaaleysiinayo caawiyayaal kadib markii dowlada ay heshiis la gashay Liberalerna iyo Centerpartiet.

Kamuunkasta ayaa helidoonaa lacag gaareysa 500 miljoner kronor taasi oo lagu shaqaaleysiin doono 3,000 kun oo ah macalimiin caawiye intaasi kadib macalimiinta ayaa helidoona waqti ku filan oo ku aadan in ay ardayda waxbaraan sida uu sheegay hogaamiyaha Xisbiga Liberalernas Jan Björklund.

Hindisaha ayaa ah qeyb kamid ah qorshaha dowlada ee lacagta dowlada arbacada soo socta ayay dowlada ka hadleysaa qorshahaasi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here