Home Wararka Maanta Norway Muslimiinta oo ka carooday Xayeysiis ay soo bandhigtay Shirkada Telia

Norway Muslimiinta oo ka carooday Xayeysiis ay soo bandhigtay Shirkada Telia

0

Muuqaal ay baahisay shirkada Telia ayaa dad badan oo ku sugan Dalka Norway ku abuurtay caro xoogan iyadoo carada badankeeda ay ka dhalatay muuqaalka oo lagu soo bandhigay falal ku saabsan diinta islaamka oo wax looga sheegayo xijaabka ay xirtaan dumarka haweynka.

Muuqaalka oo lagu baahiyay Shirkadaha Youtube iyo Facebooka ayaa soconaya mudo hal daqiiqo ah waxana ka soo dhex muuqday gabar yar oo diideysa Xijaabka lakin muuqaalka qeybta danbe ayaa lagu soo bandhigay gabar kale oo xijaabka qaadaneysa iyadoo muuqaalka lagu laray heesta Pharrell Williams ee ka hadleysa xuriyada (freedom).

carada dadka ay muujiyeen ayaa la xiriirta sida leesku raaciyay muuqaalka iyo heesta ka hadleysa xurnimada taasi oo lagu macneeyay in muuqaalka uu yahay mid islaamka wax looga sheegayo isla markana looga soo horjeedo.

Shirkada Telia oo heshay fariimo badan oo cabasho ah ayaa ka jawaabtay muuqaalka waxayna ku macneysay in uu yahay mid ka hadlay xurnimada qofka uu u heesto in uu qaadan karo xijaabka ama in uu ka tagi karo xijaabka.

dhanka kale booliska Norway ayaa helay fariimo badan oo hajabaad ah taasi oo loo diray shirkada Telia kuna saabsan xayeysiista ay sameysay ee ku saabsan dumarka islaamka ee ku nool dalka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here