Home News in English Sharci Cusub Afar Sano oo xabsi ah Qofka iibsada guri kiro ah...

Sharci Cusub Afar Sano oo xabsi ah Qofka iibsada guri kiro ah hyreskontrakt

0

Dad badan oo ku sugan Dalka Sweden ayaa helay guryo kiro ah kuwaasi oo shirkadaha guryaha ka kireesta lakin marka ay guriga helaan kadib ayay furaha guriga ka gataan qof kale kaasi oo guriga daganaada inkastoo uusan ku saxiixneen arintaasi ayay dowlada kasoo horjeedaa.

inkastoo dhaqan galin sharcigan hadana Dowlada ayaa maanta go’an ka qaadaneysa in uu mamnuucyahay qofka iibsada guri kiro ah oo horay heshiis kiro lagu dagay maanta oo khamiis ah ayay dowlada ku dhawaaqeysaa qorshahan cusub.

Sweden waxaa horay mamnuuc uga ahaa in qofka uu iska iibiyo guri uu heshiis kiro ku helay lakin sharciga cusub ee maanta dowlada qorsheneyso ayaa ah in qofka kale ee gurigaasi gadanaya uu la kulmayo ciqaab adag.

Sida dowlada sheegtay Qofka lagu qabto isagoo iibsanaya guri horay heshiis kiro lagu saxiixay waxa uu ku muteesandoonaa mudo afar sano oo xabsi ah ama labo sano oo xabsi ah.

” uma maleenayo in dad badan loo ciqaabidoono arinkan lakin waxay na tuseysaa sida dowlada dhab uga tahay dhibaatadan ” waxaa sidaasi sheegay Johan Mirtorp.

Johan Mirtorp oo ah qabiir dhanka sharciyada oo ka tirsan ururka (Tenant Association) ayaa intaasi ku daray in dhibka ugu weyn uu ka yimid guryaha la kireesto oo aad u yar.

Lasoco waxa ku soo kordha

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here