Home News in English Safaarada Somaliya ee Faransiiska oo bilowday bixinta adeega Basaboorka Somaliga.

Safaarada Somaliya ee Faransiiska oo bilowday bixinta adeega Basaboorka Somaliga.

0

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed M. Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

Col. Cabdifitaax Shaawey iyo wafdigiisa ayaa maalmahaan safarro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka yurub, iyaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo Qaaradda ah.

Wafdigaan ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo Safaaradaha laga bixiyo Baasaboorka, si uu ugu kuurgalo habsami-u-socodka adeegyada.

Ujeedada socdaalka wafdigaan ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta iyada oo mar walba laga jawaab-celinayo baahiyaha ay Bulshada Soomaaliyeed ee yurub ku nool u qabaan adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here