Home Wararka Maanta Norway oo sheegtay waqtiga uu bilaabanayo Sharciga Cusub ee ogolaanaya qaadashada labada...

Norway oo sheegtay waqtiga uu bilaabanayo Sharciga Cusub ee ogolaanaya qaadashada labada dhalasho.

0

tan iyo sanadkii hore Dowlalada ayaa ku hoolaneyd waqtiga uu bilaabanayo sharciga cusub ee dadka dalka u ogolaanaya in ay qaataan labo dhalasho oo kala duwan.

dowlada oo sanadkii hore sharcigan ansixisay ayaa tan iyo mudadaasi ku hoolaneyd waqtiga uu bilaabanayo sharciga waxana ugu danbeyn sheegtay in shariciga uu bilaabanayo bisha January ee sanadka danbe 2020.

Fahan dheeraad ah Sharciga Cusub.

Sharciga dowlada Norway ayaa horay u dhigayay in qofka uu heesan karo hal dhalasho oo ah mida Norway lakin sharciga cusub ayaa fursad siinaya in qofka uu heesto labo dhalasho dowlada ayaa intaasi ku dartay in qofka horay uga tanaasulay sharciga norway si uu mid kale u helo uu hada soo dalban karo dhalashadiisa.

Sharciga ayaana fursad siinaya dad badan oo qaxooti ah kuwaasi oo dalal kale iska dhiibay kadib markii dowlada ka diiday in ay isku qaataan labo dhalasho iyadoo aan la ogen sababta dowlada ay sharciga u soo kordhisay.

Somaliska Oslo

Xigasho/egjeringen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here