Home News in English Nin Xaaskiisa ku Dilay Dalka Mareykanka oo lagu qabtay Dalka Panama.

Nin Xaaskiisa ku Dilay Dalka Mareykanka oo lagu qabtay Dalka Panama.

1

Sida maanta oo jimco ah ay shaaciyeen booliska Dalka Mareykanka waxaa gacanta lagu dhigay Abdiaziz Kerow oo xaaskiisa ku dilay gudaha dalka mareykanka gaar ahaan magaalada Heights horaantii bishan.

45 sano jirkaan ayaa dilay xaaskiisa oo 36 sano jir ah taasi oo lagu magacaabo Muna Salad Kuri sida somaliska.com kasoo xigatay warbaahinta 10news iyadoo caalamka loo diray amar ah in lasoo xiro ninkaasi oo lagu helay shaki la xiriir kiiska dilka.

Booliska Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Keerow lagu xiray dalka panama 20 bisha March isagoo qorsheenayay in uu kaga sii gudbo dalka Barazil.

Amiina Salad, Kuri oo ah gabar la dhalatay Muna ayaa 10news u sheegtay in walaasheed aysan maqlin mudo dheer marka ay tageen gurigeeda ay u tageen iyadoo meyd ah 2 bisha march.

Sida Somaliska.com horay u shaacisay falka dilka ee Muna ayaa noqday mid Somalida caalamka ay aad u hadal hayeen madama uu ninkaasi jar jaray hilibka aamina marka uu dilay kadib.

Somaliska USA

Xigasho/10news

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here