Home Wararka Maanta Weerar lagu qaaday Masaajid ku yaalla Caasimada London oo dad lagu dilay

Weerar lagu qaaday Masaajid ku yaalla Caasimada London oo dad lagu dilay

0

Ciidanka Booliiska magaalada London ayaa baacsanaya nin la sheegay inuu mid kale ku tooriyayeeyay masaajid ku yaala bartamaha magaalada.

Ninka la tooriyeeyay oo markii dambe dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa 20 jir, waxaana uu falkan uu ka dhacay masaajidka Reben Park ee bartamaha London.

Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo xiray labo qof oo masaajidka ku sugnaa.

Balse booliiska ayaa sheegay in aysan jirin cid loo xiray falka dhacay, waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xiriira arrimo argagixiso.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dul meereysanayay masaajidka, iyadoo dusha laga eegayay qofkii meesha ka baxsaday.

Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Somaliska London

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here