Home Wararka Maanta Wasiirka Cadaalada Dowlada Norway oo iska casilay Xilkiisa wasiirnimo

Wasiirka Cadaalada Dowlada Norway oo iska casilay Xilkiisa wasiirnimo

0

Ra’iisul wasaare Erna Solberg oo sheegtay inay ka xun tahay is casilaadda Wara.

Ra’iisul wasaare Erna Solberg (H) iyo wasiirka cadaaladda Tor Mikkel Wara (Frp) ayaa qabtay galabnimaddii khamiista shir jaraa’id oo ay kaga hadleen iscasilaadda.

Solberg ayaa halkaas ka sheegtay in Wara ka tagistiisa wasiirka cadaaladda ay tahay go’aan qaadasho ay ka xun tahay.

Arrintan ayaa imaanaysa labo todobaad kadib markii Wara uu helay fariinta ahayd in qoyskiisu ay ku eedaysan yihiin hanjabaado isaga ka dhan ahaa iyo gubista baabuurkiisa.

-Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxay ii ahaayeen kuwa adag aniga iyo qoyskaygaba ayuu Wara oo arrintan ka hadlayey.

Wara oo ka hadlayey go’aanqaadashadiisa iscasilaadda ayaa yiri.

-Hadda waxaa jira cid iigaga baahi badan dowladda. Qoyskaygu ma ahan mid weyn laakiin iyaga ayaa ah kuwa muhiimsan. Halkaas ayey ii joogaan marxalad walba, anigu iyaga ayaan la joogi doonaa.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here