Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo joojineysa Sharciga Cusub ee Quseeya Argigixisada.

Dowlada Sweden oo joojineysa Sharciga Cusub ee Quseeya Argigixisada.

0

Dowlada Sweden ayaa joojineysa Sharciga Cusub ee Quseeya Argigixisada kaasi oo dhigaya in ay Mamnuun tahay Taageerida ama ku biirida Kooxaha Argixisada ee Caalamka ka dagaalama.

Sharcigan Cusub ayaa la kulmay eedeyn kala duwan eedeynta ugu badan ayaa ah in uu ka hor imaanayo daatuurka Dalka Sweden.

– Waxaannu u baahannahey in aannu ka shaqeeyno sidii isbedel loogu sameeyn lahaa qoraalka iminka yaala, waxayna macnaheedu tahay inay qaadan doonto muddo ka badan sidii aannu fileeyney.

Xeerka xaaraantimeeynta ee ka qayb qaadashada iyo xiriir la yeelashada ururrada  xagjirka ayaa horay loo qorsheeynayay inuu hirgelo, si loogu isticmaalo dadyoowgii ka garab dagaalamey Daacish ee dalka dib ugu soo laabanaya.

Hase yeeshee dhaleeceeynta ka soo yeertay guddiga ka talobixinta xeerarka toddobaadkii ina dhaafay iyo inuu jebineyo dastuurka dalka u degsan, aanay suurtagal ahayn in dawladdu soo bandhigto mooshinkeeda, sida uu sheegay Morgan Johansson.

Dawladda ayaa ku talo jirta in inta lagu guda jiro xilliga guga ay soo bandhigto qorshe xeereed cusub ee wax badan ka xaarantimeeynaya ka mid ahaanshaha ururrada xagjirka, sida uu sheegay Morgan Johansson.

Maanta ayuu kulan ku dhex marey wasiirka iyo wakiillo ka socda xisbiyada garabka midig ee mucaaradka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here