Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen oo soo jeediyay in la xiro 130 Xaruumood oo furan

Arbetsförmedlingen oo soo jeediyay in la xiro 130 Xaruumood oo furan

0

Qoraal saxaafadeed uu soo bandhigay dhowaantan xafiiska shaqada ee magaciisa loo soo gaabiyo AF ayaa lagu soo jeediyay in si tartiib tartiib ah albaabbada loogu laabi doono 130 xarumood inta u dhexeeysa 2019 iyo 2020.”

-Waa lagama maarmaan in la dhimo xarummaha xafiiska shaqada. Iminka ayaannu ku jirnaa sidii shaqada looga joojin lahaa shaqaale gaarsiisan 4 500, maadaama aanu ku xisaabtaneeyno misaaniyadda sannadka naloo qoondeeyey. Laguma tallaabsan karo isbedello sidaa u weyn ee shaqaalaha, iyadoo aan la xirin qaar ka mid ah xarummaha hayadda xafiiska shaqada, sida uu qoraal saxaafadeed ku sheegay agaasimaha guud ee hayadda xafiiska shaqada Mikael Sjöberg.

Dhanka kale xafiiska shaqada ayaa yeelan doona nooc kale ee shabakad dhanka xafiisyada. Waxay la xiriirtaa 160 xafiis oo shaqeeyn doona saacado kala duwan, sida qoraal saxaafadeedka lagu sheegay.

– Muddo ayaannu ogsooneyn, in xafiiska shaqadu uu dhimi doono xarummihiisa, sida uu sheegay Lars Ekberg, ahna madaxa shaqaalaha ee degmada Malå.

Qorshaha uu xafiiska shaqadu soo bandhigay maanta ayaa ah oo keliya soo jeedin. Iyadoona toddobaadka foodda innagu soo haya lagala xaajoon doono ururrada shaqaalaha. Weli ma cadda kolka la gaari doono go’aanka ugu dambeeya.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here