Home Wararka Maanta Waalidiinta Soomaalida ee kunool London oo ka hadlay Cabsi soo wajahday.

Waalidiinta Soomaalida ee kunool London oo ka hadlay Cabsi soo wajahday.

0

Wargeysyadda waa weyn ee kasoo baxa Magaalada London ee dalka Biritain ayaa daabacay in Waalidiinta Soomaalida ay soo wajahday Cabsi xooggan oo ku aadan in Caruurtooda ay beegsaddaan Kooxaha Gangiska ee kunool London.

Qaar ka mid waalidiinta ayaa u sheegay warbaahinta in Caruurtood ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay uga badbaadaan dilalka loo geysto dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Arintaan ayaa timid ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay magaalada London lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed.

Dilka dhalinyaradda Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa geysta Kooxaha gaangiska ah ee kunool UK, waxaana ay sheegeen Waalidiinta in ay Kordheen dilalka.

Waxaa kordhay Bilihii lasoo dhaafay dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada London.

Somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here