Home News in English Sharci Cusub Denmark oo dhalashada Muwaadinimo ka ceshaneysa Caruurta Argigixisada kasoo laabaneysa

Sharci Cusub Denmark oo dhalashada Muwaadinimo ka ceshaneysa Caruurta Argigixisada kasoo laabaneysa

0

Xisbiga Folkeparti iyo Dowlada Denmark ayaa isku raacay heshiis cusub oo dhigaya in Basaboorka Muwaadinimo laga ceshtay caruurta yar yar ay dhaleen dadka ku biiray kooxaha Argigixisada ee IS kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya wadamada Qaarada Yurub iyo Wadanka Denmark.

Sharciga ayaa dhigaya in qofka ku biiray kooxaha IS marka uu caruur ku soo dhalo dalka dibadiisa aysan caruurtaasi aysan heli karin dhalashada Dalka waxana heshiiskaasi baahiyay warbaahinta gudahaha ee Denmark.

Horay Caruurta ay dhalaan kooxaha ka tirsan Argigixisada ayaa sharcigooda u heli jiray si toos ah lakin hada sharcigaasi ayaa dhamaaday sida uu sheegay wasiirka is dhexgalka dowlada Denmark.

Dowlada Denmark ayaa ah dowlada kaliya ee sharciyada qaxootiga aad u adkeysa iyadoo sanad kasta soo saarta sharciyo adag oo dhanka qaxootiga ah.

Somaliska Denmark

Xigasho/DR.dk

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here