Home News in English Raisal wasaraha Denmark Lars Løkke oo kulan ku saabsan arimaha Qaxootiga kala...

Raisal wasaraha Denmark Lars Løkke oo kulan ku saabsan arimaha Qaxootiga kala hadlaya Stefan Löfven.

0

Sida ay shaaciyeen warbaahinta gudaha Raisal wasaaraha Denmark Lars Løkke Rasmussen ayaa booqasho ku imaanaya dalka sweden isagoo kulan la qaadandoono dhigiisa dalka sweden Stefan Löfven.

Lars Løkke Rasmussen ayaa kulan uu la qaadanayo Stefan waxa diirada lagu saaridoono arimo badan oo ugu muhiimsantahay xaalada qaxootiga labada dal ee dhanka Socdaalka madama Shacabka labada dal ay aaminsanyihiin in Sweden ay dhanka sharciyada adag kaga dayato dalka Denmark.

Dowlada Denmarka ayaa adkeesay sharciyada qaxootiga dalkeeda sanado kahor lakin Sweden ayaa bilowday in ay sharciyada adkeyso sanadkii 2015 oo qaxootiga badan dalka iska dhiibeen xiligaasi oo dowlada soo saartay sharciyo kumeel gaar ah.

Arimaha kale ee kulanka labada Raisal wasaare looga hadlayo waxaa kamid ah xaalada Wadanka ingariiska ee ( Brexit) iyo sidoo kale xiriirka dhanka amaanka ee labada dal.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here