Home News in English Mohamed Ibrahim oo dib loogu soo celiyay Sharcigiisa Denmark oo horay looga...

Mohamed Ibrahim oo dib loogu soo celiyay Sharcigiisa Denmark oo horay looga ceshtay.

0

Dowlada Denmark ayaa dib ugu soo celisay Mohamed ibrahim oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Somaliya kaasi oo sharciga dalka laga ceshtay mudo laga joogo sanad iyo bar kahor.

Mohamed oo kamid ah 929 qof oo somali ah kuwaasi oo laga ceshtay sharciga dalka ayaa dalkaasi gaaray sanadkii 2013 waxana sababta sharciga looga ceshtay loogu sheegay in uu amaan yahay dalka somaliya xaalada dalkaasi ay soo hagaagtay.

23 sano jirkaasi ayaana nolosha ka quusan isagoo bilaabay shaqo dhanka hilib gooynta ah. waxana uu shaqeeyay labo sano iyo bar magaalada Thisted.

mushaharka oo ka helo shirkada oo gaaraya 422,000 kroner ayaana buuxin sharuudaha looga baahanyahay in uu helo sharciga daganaansha rasmiga lakin waxaa kiiskiisa loogu qiimeeyay sharci hore madama uu bulshada si feecan u dhexgalay.

Dadka reer Denmark ayaa u dooday mohamed iyagoo sheegay in uu yahay qof mudan sharciga dalka madama uu dhexgalay bulshada deegaanka.

warbaahinta Dalka Denmark ayaa qeyb ka qaadatay kiiska mohamed madama maalmihii u danbeeyay ay si aad ah u hadal hayeen.

Somaliska Copenhagen

Xigasho/DR.DK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here