Home Wararka Maanta 14 Masuul oo ka Mushar badan Raisal Wasaaraha Norway Erna Solberg oo...

14 Masuul oo ka Mushar badan Raisal Wasaaraha Norway Erna Solberg oo lasoo bandhigay.

0

Agaasimaha NAV Sigrun Vågeng oo noqotay tan kaalinta koowaad kaga jirta liiska xubnahan.

Walow ay Erna Solberg tahay ra’iisul wasaaraha dalka Norway haddana waxaa jira dad ku dhaafay xagga marka laga eego mushaarka laga qaato dowladda.

Nettavisen oo baaris ku sameeyey heerka mushaarka xubnaha sare ee ka tirsan dowladda ayaa waxaa u soo baxday in 14 xubnood oo isagu jira agaasimayaal iyo xoghayeyaal ay ka mushaar sareeyaan ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaare Erna Solberg ayaa mushaarkeeda uu baarlamaanku u gooyey wuxuu yahay lacag dhan 1.680.277 krone sannadkii.

Agaasimaha hay’adda NAV Sigrun Vågeng ayaa noqotay qofka ugu sareeya dowladda oo dhan xagga mushaarka, iyadoo qaadata sannadkii 1.900.000 krone, waxayna taasi ka dhigan tahay in ay ra’iisul wasaaraha dheer tahay 219.000 krone sannadkii.

xubnaha 14 afarta ee calanka u sida xagga sareynta mushaarka ayaa kala ah:

Jagada Magaca Mushaarka sannadkii

Agaasimaha NAV Sigrun Vågeng kr 1 900 000

Xogahayaha xukuumadda Anne N. Lyftingsmo kr 1 850 800

A.W/waddooyinka Terje Moe Gustavsen kr 1 830 700

Xoghayaha Dhaqaalaha Hans Henrik Scheel kr 1 830 000

Madaxa canshuuraha Christian Holte kr 1 800 000

Hormuud Gunnar Bovim kr 1 771 500

Xeer ilaaliye guud Fredrik Sejersted kr 1 746 257

Garyaqaanka guud Busch, Tor Aksel kr 1 731 400

Xoghaye wasaaradeed Strømmen, Wegger kr 1 730 000

Xoghaye wasaaradeed Heggenes, Heidi kr 1 720 000

Agaasime guud Amund Holmsen kr 1 705 000

Madaxa Sirdoonka Benedicte Bjørnland kr 1 700 000.

Somaliska Oslo

Xigaaho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here