Home Wararka Denmark Warbixin Wadan walbo oo Yurub ka tirsan uma dhashaan caruur ku filan.

Warbixin Wadan walbo oo Yurub ka tirsan uma dhashaan caruur ku filan.

0

Tiro aad u yar ee qoysaska Yurub oo doorta inay carruur badan dhalaan. dalalka  EU/EØS midkoodna hadda uma dhawo inuu tirada dadkiisa isku dheeli tiro.

Keliya waa dadkii oo duqoobaya- Soogalooti – oo dalalkaa yurub ku sii siyaadaya.

Iyadoo Ra’iisul wasaare Erna Solberg ay khubadeedii sannadka cusub kaga faa’iidaysatay tirada dhalmada oo ku yar dadka noorweejiga oo ay baaq ka soo saartay ayaa waxaa soo baxaya in dhammaan dalalka yurub ay arrintaas ka wada siman yihiin.

Dalku wuxuu u baahan yahay celcelis ahaan qiyaastii 2,1 cunug si meeshiisa loogu hayo tirada shacabka dalka, balse tiro soo baxday sannadkii 2018 ee dhawaan dhamaaday ayaa muujisay in noorweejigu ay dhalaan wax ka yar intii loo baahnaa. Taasoo markii ugu horeysay ay dhasheen tiro ka yar 1,6 cunug gudaha Norway, waxayna ku soo gebagebowday 1,56 cunug.

Arrinta carruur yaraantu ma ahan wax gaar u ah noorweejiga: oo tirakoob cusub oo ay samaysay Eurostat ayaa muujiyey in celcelis ahaan uu heerka dhalmada ee dalalka EU/EØS uu ahaa sannadkii 2017 tiro ku siman 1,57 cunug qoyskii, taasoo shan sano ka hor ahayd 1,66.

Waxay sheegtay Eurostat tirakoobkani uu xusayo in hal dal oo keliya ay haweenku dhalaan wax ka badan labo carruur ah kaasoo ah Turkiga laakiin waxay sidoo kale xuseen in 2017 Turkiga qudhiia ay tiradu ka hooseysay 2,1 cunug.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here