Home Wararka Denmark Dalka Finland oo noqday Dalka ugu farxada badan dunida.

Dalka Finland oo noqday Dalka ugu farxada badan dunida.

0

Warbixinta farxadda dunida ee Qaramada Midoobey “World Happiness Report” oo soo baxday maanta ayuu dalka Finlaan sanadkana mar kale noqday dalka ugu farxada badan dunida.

Finlaan ayaa sanadkii hore sidoo kale liiska booska koowaad ka gashay iyadoo wadamada Danmaark iyo Noorweey ay galeen kaalinta labaad iyo tan sadaxaad.

Sweden ayaa sanadkan gashay kaalinta todobaad halka ay sanadki hore uga jirtay kaalinta sagaalaad.

Filip Fors, aqoon-yahan cilmiga bulshada ayaa sheegay iney adag tahay sharaxaada waxa keenay in dadka reer Finlaan u noqdeen sanadkan kuwa ugu farxadda badan dunida. Balse waxa la sharxi karaa sababta ay wadamada Norden ay liiska ugu jiraan meesha ugu sareysa.

– Si ahaan waxa ugu wacan taa dhaqaalaha wanaagsan iyo heerka nolosha wanaagsan ee wadamadan iyo waliba musuq maasuqa oo ku yar, ayuu yiri Filip Fors.

Ma aan arag cid si wanaagsan u sharaxi karta waxa sababay in dadka Finlaan ka farxad badan yihiin kuwa ku nool Danmaark, Norweey iyo Sweden ayuu ku daray Filip Fors, aqoon-yahan cilmiga bulshada.

Liiska dalalka iyo faraxadda dunida

1. Finland (7.769)
2. Danmark (7.600)
3. Norge (7.554)
4. Island (7.494)
5. Nederländerna(7.488)
6. Schweiz (7.480)
7. Sverige(7.343)
8. Nya Zeeland (7.307)
9. Kanada (7.278)
10. Österrike (7.246)
11. Australien (7.228)
12. Costa Rica (7.167)
13. Israel (7.139)
14. Luxemburg (7.090)
15. Storbritannien (7.054)
16. Irland (7.021)
17. Tyskland(6.985)
18. Belgien (6.923)
19. USA(6.892)
20. Tjeckien (6.852)

WADAMADA LIISKA HOOSTA KAGA JIRA:
137. Egypten (4.166)
138. Zambia (4.107)
139. Togo (4.085)
140. Indien (4.015)
141. Liberia (3.975)
142. Komorerna(3.973)
143. Madagaskar (3.933)
144. Lesotho (3.802)
145. Burundi (3.775)
146. Zimbabwe (3.663)
147. Haiti (3.597)
148. Botswana (3.488)
149. Syrien (3.462)
150. Malawi (3.410)
151. Jemen (3.380)
152. Rwanda (3.334)
153. Tanzania (3.231)
154. Afghanistan (3.203)
155. Central Afrikanska Republiken (3.083)
156. Sydsudan (2.853)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here