Home Wararka Maanta Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo amaanay soo galootiga Dalkaasi ku nool.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo amaanay soo galootiga Dalkaasi ku nool.

0

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W Bush ayaa amaanay saameynta ay dadka soo galootiga ah ku leeyihiin waddankiisa, xilli uu khudbad u jeedinayay dadkii dhawaan la siiyay dhalashada Mareykanka.

George W Bush oo hadda 72 sano jir ah ayaa soo noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka waxaana uu xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 2001-dii ilaa 2009-kii.

Isagoo hambalyo u jeediyay dadka cusub ee kusoo biiray muwaadiniinta Mareykanka ayuu sheegay in dalku uu mar walba u baahan yahay iyaga oo kale.

“Wakiillada la doortay ee Mareykanku waxay leeyihiin waajibaad looga baahan yahay inay ku sharciyeeyaan dadka soo galaya waddanka iyo kuwa ka baxaya. Iyadoo la waafaqayo mas’uuliyaddan waxay kaloo na xasuusineysaa in taariikhda dadka soo galootiga ah ee Mareykanka ay naga dhigtay waxa aan nahay maanta”, ayuu yidhi Bush.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iyadoo aan sharciga laga soo hor jeedsaneynin haddana qaxootigu ay yihiin dad horumar u horseeday Mareykanka.

“Xitaa annagoo og in culeys badan uu ka jiro dhinaca nidaamka, waa ineynaan waligeen illoobin in qaxootiga soo galaya uu yahay naxariis iyo awood dheeraad ah”.

Siyaasigan rug caddaaga ah oo 2 jeer xilka madaxweynaha Mareykanka soo qabtay, ayaa sheegay in dadka muwaadiniinta ah badankood aysan garwaaqsanin in dadkan qaxootiga ah ay noqonayaan madaxda mustaqbalka.

Bush ayaa Isniintii ka hadlayay munaasabad qarameyn ah oo lagu qabtay mac-hadka George W Bush ee magaalada Dallas ee gobolka Texas.

Hadalka Mr Bush uu ka yidhi arrimaha soo galootiga ayaa loo arkay mid si weyn dhabar jab ugu ah maamulka madaxweyne Donald Trump, oo horay u qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo dadka qaxootiga ah ee galaya Mareykanka.

Somaliska USA

Xigasho/BBCsomali

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here