Home Wararka Maanta Siyaasi ka tirsan Xisbiga Xagjirka ee SD oo Masaajid ka dhisaya Magaalada...

Siyaasi ka tirsan Xisbiga Xagjirka ee SD oo Masaajid ka dhisaya Magaalada Karamfors isagoo sababta ka hadlay.

0

Siyaasiga Mark Kollinis ee ka tirsan Xisbiga Midigta Fog ee dalka Sweden ayaa soo jeediyey qorshe uu ku doonayo inuu Masjid iyo Xarun Dhaqan ka dhiso Degmadda Karamfors ee Gobalka Vasternorrland ee Waqooyiga dalka sweden.

Wargeyska Local Media ee dalka Sweden ayaa qoray in Siyaasigaasi oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiyadda Sweden (SD) ee ka soo horjeeda Soo-galootiga ama Muhaajiriinta uu tilmaamay inay u baahan yihiin Muhaajiriinta, si loo joojiyo hoos-u-dhaca ku yimid tirada dadka ku nool magaalladaasi.

Siyaasiga Mark Kollinis oo 63-jir ah waxa uu xusay in Aragtidiisa tahay haddii la helo Masjid iyo Xarun Dhaqan inay taasi xoojinayso mas’uuliyadda Muslimiinta ee magaalladooda iyo deegaanadda ku hareeraysan.

Waxa kale oo uu farta ku fiiqay in Degmadda Karamfors isaga baxeen 100 qof muddo hal sanno gudaheeda, halka guud ahaan Gobalka Vasternorrland lumisay 500 oo Muwaadin muddo hal sanno ah.

Somaliska Karamfors

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here