Home Wararka Maanta Nin Hubeysan oo weerar ka geestay Xaruun Tareenada laga raaco oo Holland...

Nin Hubeysan oo weerar ka geestay Xaruun Tareenada laga raaco oo Holland ku taalla.

0

Nin hubeesan ayaa rasaas ku furay bas nuuca korontada ku shaqeeya oo marayay magaalada Utrecht oo kutaala bartamaha dalka Holland, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dad rayid ah soo gaaray.

Wakaaladaha wararka ayaa tabinaya in nin hubeesan uu rasaas ku furay goobta uubaska marayay, waxaana weerarkan la sheegay in uu ku dhintay hal ruux halka ay ku dhaawacmeen dhoor qof oo kale.

Booliska ayaa sheegay in Qof argagaxiye ahi uu Qeeylo iyo Rasaas iskugu daray dad saarnaa baska korontada ku shaqeeya , booliiska ayaana xiray aaga uu weerarku ka dhacay iyagoona wada baaritaano.

Diyaarado nuuca qumaatiga u kaca iyo ciidamo badan oo hubeesan ayaa la geeyay goobta uu weerarku ka dhacay, booliiska ayaana la filayaa in faah faahino dheeraad ah ka bixiyaan weerarkan .

Somaliska Holland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here