Home News in English Migrationsverket-ka oo war kasoo saaray Sharciga ku meel gaarka Qaxootiga ee Xagaagan...

Migrationsverket-ka oo war kasoo saaray Sharciga ku meel gaarka Qaxootiga ee Xagaagan ku eg

0

Wakaaladda socdaalka ee migrationsverketka ayaa ka digtay caqabadda ka dhalan karta qorshaha dawladda ee la xiriira in wakhti lagu daro sharciga ku meel gaarka ah ee socdaalka oo bartamaha sannadka ku eg saddexdii sannadood oo uu jirey.

Kordhinta xilliga xeerka ayaa ka sii adkeeyn doona, sidii ay horay u ahaan jirtay go’aannada ay wakaaladdu ka gaarto dalabaadka magangelyo doonka mar haddii arrimmo ka badan lagu qiimeeyneyo go’aan qaadashada, sida ka muuqata talo bixintii ay wakaaladdu ka gudbisay codsigii dawladda ee arrinkaa la xiriirey.

– Waxay horseedi doontaa inuu ka sii dheeraado wakhtigii jawaabta laga sugi jirey wakaaladda, middaasina oo ay ugu wacan tahay miisaannada kala duwan ee la saari doono sidii go’aan looga gaari lahaa. Waxaa wanaagsanaan lahayd inuu xeerku kala qeexo sida ay qiimeeyntu u kala muhiimsan tahay, sida uu sheegay, agaasimaha guud ee wakaaladda socdaalka Mikael Ribbenvik, mar uu faallo ka bixiyay.

Ribbenvik ayaa sheegay inay wakaaladda sugeyaan sannadka eegista dalabaadka 20 000 ee magangelyo doon ah iyo 30 000 oo u baahan in dib loo eego sharciyadooda deggenaansho in la dheereeyn karo iyo in kale. Waana markii ugu horreeysay oo dalabaadka magangelyo doonku ka yaraadaan dadka dalbanaya in sharciga loo dheereeyo.

Anna Lindblad, ahna madaxa laanta shuruucda ee ururka talo siinta dadyoowga magangelyada dalkan ku yimaada oo dhowaantan goob joog ka ahayd xarun lagu soo bandhigayay qoraal ey ka sameeyeen cawaaqibta ka iman karta dheereeynta xeerkan ku meel gaarka ah ayaa sheegtay, mar ay wareeysi siisay laanta afka soomaaliga ee idaacadda raadiyaha Sweden:

-Maadaama wakhti hor leh lagu dari doono xeerka ku meel gaarka ah, dhibaatooyinka aannu farta ku fiiqney halkooda ayey ka sii socon doonaan. Wakhtigu markuu sii socdabana waxaa sii caddaan doonta dhibaatooyinka saameeynta leh ee uu xeerkani yeelan doono.

-Dhanka kale waxaannu ogsoonnahey in jawaabta wakaaladda socdaalku ay iminkaba qaadato wakhti dheer. Weli waxey la kacaa kufeyaan dalabaadkii magangelyo doonka ee 2016. Sidoo maxkammadaha socdaalka ayaa wakhti dheer qaata. Gaar ahaan marka laga hadleyo dhallaanka, sida ay sheegtay Anna Lindblad, ahna madaxa laanta shuruucda ee ururka talo siinta magangelyo doonka mar ay u warrantay laanta afka soomaaliga ee idaacadda raadiyaha Sweden.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here