Home Wararka Maanta Xildhibaan si qaldan uga hadlay Xasuuqii New Zealand oo Madaxa looga jabiyay...

Xildhibaan si qaldan uga hadlay Xasuuqii New Zealand oo Madaxa looga jabiyay Ukun/beyd.

0

Xildhibaankan oo ka tirsan Baarlamanka dalka Australia ayaa si jees jees ah uga hadlay weerarkii shalay ka dhacay dalka New Zealand ee lagu laayey dad Muslimiin ah oo gaaraya 49 qof, halka 48 kalena lagu dhaawacay.

Senator Fraser Anning oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyey muslimiinta iney dembiyo iyo weeraro argagaxiso ka geystaan meelaha ay soo galootiga ku yihiin.

“Falkii shalay lagu laayey Muslimiinta waxaa uu ka dhashay falalka argagaxiso ee ay ku hayaan dadka soo dhoweeyey, dhacdadana waxay jawaab u tahay arintaas” ayuu yiri Senator Fraser Anning oo ka mid ah dadka uu madax u maray islaam naceybka.

Balse xildhibaankan ayaa intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id waxaa qabsaday arin lama filaan ah ka dib markii wiil 14 jir ah oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu madaxa ama jeegada kaga jebiyey ukun.

Xildhibaanka ayaa si weyn uga carooday falkaas, isagoo ka dibna u gacan qaaday wiilkii falkaas kula kacay oo sida muuqata ka xumaaday sida xildhibaanku uga hadlay dadkii muslimiinta ahaa ee la laayey, waxaana markii dambe xildhibaanka qabtay dadkii goobta ku sugnaa.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, iyadoo dadkuna ay ka bixinayaan aaragtiyo kala duwan, iyadoo shacabka dalka australia ay si xoogan u cambaareeyeen hadalka xildhibaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here