Home Wararka Maanta War hada Ah Nin Hubeysan oo 49 qof ku laayay Masaajid ku...

War hada Ah Nin Hubeysan oo 49 qof ku laayay Masaajid ku yaalla Dalka New Zealand.

0

Dad ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, sida ay xaqiijiyeen booliiska dalka New Zealand.

Saddex nin iyo haweenay ayaa la xiray, sida uu sheegay Mike Bush oo ka mid taliyeyaasha booliiska oo shir jaraa’id qabtay.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay orad kaga baxsadeen rasaastii dhacaysay ku dhawaad 49 qof ayaa ku dhintay halka 20 kale ku dhaawacmeen.

Muuqaal aan la xaqiijinin saxnimadiisa ayaa soo baxay, kaas oo tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya.

Mohan Ibrahim oo ku sugnaa masjidka ayaa warbaahinta Herald ee dalka New Zealand u sheegay “in markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse ay dadkii billaabeen in ay kala yaacaan.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday masaajidka Al Nuur oo ku yaalla bartamaha magaalada Christchurch iyo masaajid kale.

Askarta ayaa sidoo kale fagaaraha Cathedral ka kexeeyay kumannaan carruur ah oo dhigayay mudaaharaad ay ku dalbanayeen in wax laga qabto isbadalka cimilada adduunka.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in dad laga daad gureeyay masaajid kale.

Saxafi la socda kooxda kubbadda kiriketka ee dalka Bangladesh oo hadda ku sugan New Zealand ayaa twitterka ku soo qoray in uu ka baxsaday masaajid ku yaalla agagaarka Hagley Park halkaas oo rasaas ka dhacaysay.

Somaliska New Zealand

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here