Home News in English Tirada Somalida ku dhimatay Weerarka Masaajidyada New Zealand oo magacyadooda lasoo bandhigay.

Tirada Somalida ku dhimatay Weerarka Masaajidyada New Zealand oo magacyadooda lasoo bandhigay.

0

Ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay iney ka mid noqdeen dad gaaraya 49 qof oo saaka lagu laayey labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Nin hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad fara badan oo salaada Jimcaha ku tukanayey labo masaajid oo halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan ku dhaawacmay dad kale oo aad u fara badan.

Dadka Soomaalida ah ee illaa hadda la ogyahay iney ku dhinteen weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shiikh Nuur Muuse Cawaale oo ahaa Macalin dugsi Qur’aan, nin magaciisa lagu soo koobay Shiikh C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Xamar, Aadan Diiriye iyo Wiil 6-sano jir ah oo uu dhalay laguna magacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye.

Soomaalidan ayaa waxay ka mid ahaayeen dadka ku dukanayay masaajidada weeraradu ka dhaceen, waxaana geerida dadkan xaqiijiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas.

Maxaa kala socotaa ninka weerarka ka danbeeyay.

Ninkan ugu weyn ee falkan naxdinta leh geystay ayaa lagu magacaabaa Brenton Tarrant, waana 28 sano jir ku dhashay dalka Australia, wuxuuna qoray qoraal dheer oo uu baraha bulshada soo dhigay sababta uu weerarka u qaaday, isagoo sheegay inuu ku dayday weerarkii uu qaaday ninkii la oran jiray Anders Brevik ee ka dhacay dalka Norway dalka Norway 22 July 2011 kaasoo laayey dad ka badan 70 qof.

Waxaa yaab lahayd in ninkan uu si toos ah Facebook uga baahinayey xilligii uu weerarku ka waday masjidka Al-noor, dadkana lagu leynayay halkaasi, inkastoo markii danbe ay shirkadda Facebook ka saartay Video-ga boggiisana la xiray.

Waxaa kale la yaab laheyd intii weerarku socday ee uu sida tooska ah Facebook uga tebinayey falkiisa inay rasaastii ka dhammaatay oo uu gaarigiisa u soo laabtay, kadibna uu rasaas kale ka qaatay gaarigiisa isagoo dib u bilaabay inuu laayo dadkii masjidka ku jiray oo qaar badan oo ka mida ay daadsanayeen dhulka yaalleen.

Ninka weerarka geystay Brenton Tarrant ayaa qoraalkiisa dheer ee ka kooban 73 bog ku sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda xag-jirka midigta fog ee cadddaanka, isagoo taageeray Madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump.

Ninkan ayaa dilay 49 qof oo salaadii jimcaha ku jiray, waxaana dhaawac ah ilaa 40 kale oo qaar ka mida ay xaaladoodu ay liidato, waxaana weerarkan uu noqday kii ugu weynaa ee ka dhaca dalka New Zealand oo aan looga baran weerarada noocan ah.

Somaliska New Zealand

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here