Home News in English Hadii Sweden dooneyso Qaxooti Maxay u adkeysay Sharciyada Qaxootiga ku Cusub Dalka?

Hadii Sweden dooneyso Qaxooti Maxay u adkeysay Sharciyada Qaxootiga ku Cusub Dalka?

1

Hadii Sweden dooneyso Qaxootiga Maxay u adkeysay Sharciyada Qaxootiga Cusub. waa su’al ay isweydiinayaan qaxooti badan oo dalka ku sugan kuwaasi oo heesta diidmo iyo kuwa kale oo doonaya in dalka iska dhiibaan lakin iska diiday markii ay arkeen sharciyada qaxootiga ee adkaaday.

jawaabta Su’asha ayaa ah mid ay dad badan weydiiyeen warbaahinta Somaliska.com waxana jawaabtaasi ay tahay mid dalkan soo galootiga ku kala dhimayo madama qaxooti badan u arkaan in sweden ku wanaagsan tahay dhanka sharciga.

dowlada sweden ay maalmihii u danbeeyay ay qaxooti badan ay kasoo qaadatay dalalka caalamka ee ay ku jiraan qaxootiga kuwaasi oo mudo dheer ku jiray leen ay ku sugayaan in dibada loo qaado.

sweden ayaa dal ahaan u baahan qaxootiga caalamka lakin marka la fiirsho isbadalka weyn ee ku dhacay wadamada yurub ee ku aadan sharciyada qaxootiga la adkeeyay ayaa keentay in dalka uu dhankiisa uu adkeeyo sharciyada sababta ayaana ah in qaxootiga badankooda ay iska dhiibayaan dalka hadii uu bixiyo sharciyada ama jawaabaha uu deg deg ka dhigo.

guud ahaan wadamada xaduuda la wadaago sweden ee Norway, Finland, Denmak ayaa guud ahaan adkeeyay sharciyada qaxootiga iyadoo dadka iska dhiibay dalalkaasi la siiyay diidmo marka la eego somalida iyo dadka kale ee africa kasoo tagay lakin wadanka suuriya oo kaliya ayaa sharciyada ka hela.

Sweden ayaa dhoor jeer ku celisay in hanaanka qaxootiga lagu qaabilo in isbadal lagu sameeyo iyadoo kala jeeda in qaxootiga imaanaya yurub loo qeyb sado si siman si wadan kasta uu kaga badbaado culeeska qaxootiga hase yeeshee majirto wadan doonaya in uu raaco sharcigaasi.

kulankii ugu danbeeyay ee dhexmaray wadamada yurub kuwooda qaabila qaxootiga ayaa lagu soo hadal qaaday qaxootiga imaanaya Wadamada yurub sidii looga gaari lahaa heshiis dhab ah taasi oo wali lagu heshiis.

iyadoo ay jirto dhibaatadaasi ayay dowlada sweden xooga saartay qaxootiga ay kasoo qaadaneyso kaamamka caalamka si ay ugu badasho miisaaniyada ay ugu talagashay qaxootiga dalka imaanaya waxana ay soo bandhigtay sanadkaan 5,000 kun oo qaxooti ay kasoo qaadaneyso caalamka.

ugu danbeyn hadii wadamada yurub ay qaxootiga ku qaabilaan qaab cadaalad ah waxaa dhici karta in wadamo badan ay badalaan sharciyada adag ee kasoo saareen dhanka qaabilaada soo galootiga sida dadka helay sharciyada oo hada la siiyo sharciyo kumeel gaar ah taasi oo la micno ah marka uu ka dhaco in dib u eegis lagu sameeyo markale xaaladiisa.

Fiiro gaar ah qofka wadanka iska dhiiba markasta waxa uu xaq u leeyahay in la qaabilo lakin sharci helista waxay ku xirantahay sida uu kiiskiisa yahay iyadoo mudada lagu sugayo jawaabta ay ka simanyihiin dadka badankooda.

Waxaan rajeynaa in jawaabtaasi ay idinku filantahay.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here