Home News in English Sharciga ku meelgaarka Sweden ee Qaxootiga oo ku eg Xagaaga soo socda...

Sharciga ku meelgaarka Sweden ee Qaxootiga oo ku eg Xagaaga soo socda ( Maxaa xiga )

0

In kasta oo marka loo barbar dhigo xaaladdii taagnayd sannadkii 2015-kii ey yaraadeen sanooyinkii ugu dambeeyay qaxootiga dalkan magan gelyada u soo raadsada, ayey siyaasiyiinta barlamaanku ku talo jiraan in la sii dheereeyo xagaagan sharciga ku meel gaadhka oo ku ekaa bartamaha sannadka.

Björn Berselius oo garsoore maxkamadeed ka ah maxkamada sare ee maamulka ayaa sidan sheegay.

-Saddexdii sanno ee sharcigan la isticmaalayey waxaan aragnay dhowr mushkiladooyin. Madama ay dawladu degdeg ku soo saartay sharcigan daloolo badan ayuu leeyahay. Taa ayaa keentay in heeyadaha dalkani garan waayeen sidii ay u hirgelin alhaayeen sharcigan. Waxey noqotay in maxkamad walba qiimeeyn gooni ah ku sameeyso, ayuu yidhi Björn Berselius.

Xeerkan oo la bilaabay 2015-kii markii ay xaaladda soo galootigu ugu adkeeyd ayuu macnihiisu yahay in cidda magangelyo u baahan la siiyo deggenaansho ku meel gaadh ah. Cidda loo aqoonsado qaxooti dhab ah in la siiyo sharci deggenaansho oo saddex sannadood ah iyo cidda aan loo aqoonsan qaxooti dhab ah, hase yeeshee lagu qiimeeyo hindisaha inay magangelyo u baahan tahay oo aan dalkiisii dib loogu celin karin wakhtigan, la siiyo waxa loo yaqaanno alternativt skyddsbehövande, deggenaansho 13 bilood ah.

Haddii qofku weli u baahan yahay magangelyo kolka uu wakhtiga sharciga deggenaanshuhu ka dhammaado ayaa loo dheereeyn karaa deggenaanshaha. Haddii uu qofku ku filan yahay masruufkiisana wuxuu heli karaa sharci deggenaansho oo joogto ah.

Dhallaanka kelinimada ku yimaada iyo qooysaska leh dhallaan da’doodu ka yar yihiin 18 sannadood ee loo qiimeeyo iney magan gelyo u baahan yihiin waxey xaq u leeyihiin sharci deggenaansho joogto ah, haddii ey dalabkooda magangelyo doon gudbiyeen ugu dambeeyn 24-kii november 2015.

Sannadka dambe ayaa lagu wadaa inuu shuruucda dalka ka mid noqdo qaraarkii qaramada midoobey ee xuquuqda carruurta barnkonventionen.  Tan ayaa dhibaatooyin ku keeni karta hadii la sii dheereeyo sharciga ku meel gaadhka ah. Sababta ayaa ah in uu ka hor iman doono qaraarka qaramada midoobey ee xuquuqda caruuraha madama uu ku adkeeyn doono shuruudaha caruuraha doonaya in ay qoysaskooda keensadaan.

Björn Berselius oo garsoore maxkamadeed ka ah maxkamada sare ee maamulka ayaa u jeeda in shuruudaha qaarkood ee lagu xidhayo qaxootiga dalkan ku cusub aaney macquul ahayn. Wuxuu tusaale ku soo qaatay qaxootiga hawlgabka amba curyaamiinta ah, sidee ayey uga soo bixi karaan shuruudda in ay keligood is masruufaan ayuu is weeydiiyay.

-Hadii aaney shaqeeysan karin isma masruufi karaan, ayuu sheegay Björn Berselius oo siyaasiinta kula talinaya in ay dib uga fekeran sharciga ku meel gaadhka ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here