Home Wararka Maanta Waa gabar yar oo saacadii ku shaqeysa 1.200 kr Magaalada Lofoten.

Waa gabar yar oo saacadii ku shaqeysa 1.200 kr Magaalada Lofoten.

0

Iyadoo waqtigii kalluumaysigu uu ka bilowday Lofoten iyo Vesterålen, isla markaana ay carruur badan lacag fiican ka helaan waqtiga fasaxa jiilaalka ayey carruurtu ka shaqaystaan inay jaraan carabka kalluunka sida uu qoray NRK.

Mid ka mid ah carruurtaas oo uu wargeysku waraystay ayaa sheegtay in ay ka kasbato shaqadan saacadii 1200 krone.

– Carruurtaan iyo dhalinyartaan keliya ma shaqaystaan lacag aad u wanaagsan, waxay helaan sidoo kale qibrad shaqo oo qiimo leh. Waxay bartaan layli qiimo leh ayuu yiri madaxa goboleed NHO Nordland, Ole Hjartøy oo u waramayey NRK.

Wuxuu sheegay inuu hubo in carab jaristu ay Norway ka tahay shaqo mushaar fiican oo dhalinyaradu qabtaan laakiin wuxuu qiray inaysan ahayn lacag dheeldheel lagu shaqeeyey.

– Aad ayey u shaqeeyaan, waxayna helaan todobaadkii 40000 krone, waxaana intaas u dheer dhadhaminta suuqa shaqo ayuu yiri Hjartøy oo la sii hadlayey wargeyska.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here