Home Wararka Maanta Lix kamid ah Xisbiyada Barlamaanka Sweden oo doonaya isbadal lagu sameeyo Sharciga...

Lix kamid ah Xisbiyada Barlamaanka Sweden oo doonaya isbadal lagu sameeyo Sharciga Caruurta.

0

In kastoo sanad kasta caruur da’doodu ka yar tahay 15 sano lagu soo ashkateeyo boqolaal danbiyo waaweyn haddana waxa aad u yar caruurta maxkamad la hor keeni si looga wareeysto. Arintaa ayey 6 xisbi oo ka tirsan baarlamanku dooneyaan in isbedel lagu sammeeyo.

Johan Forssell, afhayeenka Moderaterna ee arrimaha sharciga.

– Waxan jeclaan laheyn in la kordhiyo caruurta maxkamaddaha la hor keeno si looga gungaaro fal-danbiyeedka isla markaana loo xaal mariyo dadka danbiga laga galay, ayuu yiri Johan Forssell.

Caruurta da’doodu ka yar tahay 15 sano ayaa maxkamad la hor keeni karaa, waxa loogu yeero bevistalan taasoo micnaheedu yahay in maxkamaddu baarto si loo caddeeyo falka uu ilmuhu geeystay, inkastoo aan la marsiin karin ciqaab. Waa in codsiga bevistalan ka yimaadaa xafiiska adeegga bulshada, balse taa ayaan badanaa dhicin.

Xafiiska arrimaha bulshada Jönköping ayaa deyrtii na soo dhaaftay codsaday caddeeynta falka uu ilmuhu geeystay (bevistalan), kadib markii ilmo 14 jir looga shakiyey inuu ka qeyb qaatay dilkii loo geystay ninkii guri la’aanta ahaa ee Gica Hortolomei Lupu ee ka dhacay Huskvarna.

Maxkamadda degmada ayaa danbi ku weyday 14 jirka iyadoo kiiskana loo gudbiyey maxkamadda racfaanka oo jawaab laga sugayo.

Dhamaan xisbiyada aan ka tirsaneyn dowladda ayaa doonaya in wixii iminka ka danbeeya loo ogolaado in xeer-ilaaliye uu go’aan ka gaari karo caddeeynta falka ilmaha si looga maarmo in xafiiska arrimaha bulshadu soo gudbiyaan codsigaa.

Linda Westerlund Snecker, afhayeenka xibiga Vänsterpartiet ee arrimaha sharciga.

–  Waa muhiim in danbiga la baaro si loo caawiyo da’ yarta danbiga gashay si aaney ugu sii fogaan dhaqanka falka danbiyada. Baaritaanka ayaa sidoo kale muhiim u ah cidda danbiga laga galay, sida ay sheegtay Linda Westerlund Snecker.

Xisbiyada xukunka haya ee Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ayaan iyagu mowqif ka qaadan in sharciga wax laga beddelo iyo in kale.

–  Waxaa muhim ah in bulshadu ka falceliso marka danbi la galo, waxanan aaminsanahay in la gaarey xilligi la magacaabi lahaa guddi soo baara arrintan, ayuu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Mikael Damberg (S).

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here