Home Wararka Maanta Barlamaanka Sweden oo maanta ka doodaya Xubnaha kooxda Daacish ee doonaya in...

Barlamaanka Sweden oo maanta ka doodaya Xubnaha kooxda Daacish ee doonaya in dalka ku soo labtan.

0

Baarlamanka ayaa maanta ka doodi doona waxa laga yeelayo dagaalyahanada ka garab dagaalamey Daacish ee ku sugan dalka Suuriya, iyadoo su’aal wax badan laga hadlayey baryahan tahay waxa laga yeelayo caruurtooda.

Wasiiradda arimaha gudaha Mikael Damberg (S) iyo cadaaladda Morgan Johansson ayaa sidoo kale maanta ku caddeyey maqaal lagu daabacey wargeyska DN inaaney hey’adaha Swedishku suura gal u aheyn iney dalka keenaan caruurta waalidkood u dagaalameen IS ee heysata dhalashada iswedishka ee ku sugan xeryo ku yaala Suuriya.

Iyada oo laga sii adkaanayo ururka Daacish ayaa waxa xeryaha soo buuxdhaafinaya xubnaha ururka. Xerada al-Hol ayaa waxa iminka ku sugan 55.000 qof oo isugu jira dumar io caruur kuwaasoo ku sugan xaalad sixo aad u liidata. Qiyaastii 30-40 ka mida caruurtaa ayaa ah muwaadiniin iswedhis.

Wasiirka arimaha gudaha Mikael Damberg ayaa laanta P1-morgon u sheegay iney adag tahay wixii laga yeeli lahaa caruurta.

– Waa arin aad u adag marka laga eego dhanka ammaanka gobalka iyo dhanka sharcigaba. Suura gal uma aha hey’adaha iswiidhishku iney ka howlgalaan nawaaxigaa iyadoo arintani ka taagan tahay goob dagaal, ayuu yiri.

Waa in marka hore la ogaadaa cidda waalidka u ah carurta, dhalashadooda iyo xiriirka ay la leeyihiin Sweden, waxaaba dhici karta ineysan heysan warqado aqoonsi iyo baasaboorro.

Damberg ayaa intaa ku daray ineysan suura gal aheyn in caruurta laga soo qaado waalidkood iyada oo aan marka hore la sameyn baaritaan baahsan.

– Haddiise ay caruurtu timaado safaarad ama qunusuliyad Sweden leedahay ee ku taal gobalka markaa waxey arrintoodu noqoneysaa mid ahmiyad la siinayo iyadoo la eegayo sida ugu macquulsan ee loo caawin karo caruurtaa.

Maanta ayuu baarlamanku ka doodi doonaa waxa laga yeelayo dadka ku soo noqda Sweden ee ka soo garab dagaalammey kuna biiray ururka Daacish ee Suuriya.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here