Home Wararka Maanta Amaanka Basaska ku shaqeeya Gaaska oo laga shirayo kadib Baskii ku qarxay...

Amaanka Basaska ku shaqeeya Gaaska oo laga shirayo kadib Baskii ku qarxay Stockholm

0

Dabkii qaraxa u ekaa ee shalay ku dhacay bas marayey mid ka mid ah waddooyinka magaalada Stockholm ayey dad badani ku dhiman kareen waana in iminka si weyn looga taxadaraa ammaanka gaadiidka culus ee gaaska ku shaqeeya, sida ay qabaan khuburo dhowr ah oo ay laanta wararka Ekot wax ka weeydiisay.

 – Aad beynu u nasiib badneyn maanta, arrintan ayaa noqon kartay dhacdo weyn, ayuu yiri Anders Palm, oo horkacayay howsha goobta shilku ka dhacay ee Klaratunneln ee Stockholm.

– Dhibaato badan baa dhici kartey haddii ay rakaab saarnaan lahaayeen baska. Ama ay jiri lahaayeen dad maraya meel u dhow baska, sida uu sheegay.

Waxey aheyd xilligii qadada axadi shalay, markii uu bas marayey meel dusha ka xiran ee nawaaxiga regeringenkvarteren Stockholm uu qarax ku yimid mid ama dhowr ka mida taangiyada biogaaska ee saqafka baska ku rakibnaa, taasoo dhalisay qarax leh cadaadis weyn oo wata daruur dab ah.

Baskan oo aan wadin rakaab ayuu dhaawac fudud ka soo gaaray darawalkii waday, sida laga soo weriyey shirkadda Keolis oo baska lahayd.

Anders Palm, hogaamiyaha badbaadada ayaa u arka in shilalka noocan ah laga hortagi karo.

– Waxan u arkaa iney tahay wax lala yaabo in arrintani dhacdo mar kale, ayuu yiri.

Gaadiidka culus ee gaaska ku shaqeeya ayaa leh mustaqbal wanaagsan waana laga hortagi karaa khatarta ka imaneysa ee qaraxa, ayuu sheegay Erik Egardt oo ku howlan horumarinta farsamada ee hey’adda difaaca bulshada iyo diyaar garowga ee magaceeda loo soo gaabiyo MBS.

– Isla sida difaac loogu sameyn karo qolofka sare ee gaadiidka si loo daafaco rakaabka ayaa iyadana difaac loogu sameyn karaa taangiyada marka uu qarax yimaado, ayuu yiri Egardt.

Egardt ayaa iminka rajeynaya in la helo gudi soo baara shilka ama in degmooyinku dib u eegaan shuruudaha ammaanka marka ay la imaneyaan gaadiidka kala duwan ee ku shaqeeya shiidaalka noociisa ah biogas-ka.

Somaliska Stockholm

xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here